• Sonuç bulunamadı

Ku soo dhawow maktabada!

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Ku soo dhawow maktabada!"

Copied!
2
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

invik Baksida Framsida

Qof kastaa wuu iman karaa maktabada.

Waxba kuma kharash gareynayso inaad timaado maktabada.

Waad iska iman kartaa

xataa haddii aanad buugaag deynsaneyn.

Ku soo dhawow maktabada!

Somali

BIBBLO.SE

POLARBIBBLO.SE

(2)

BIBLI

ENKTEOENTTOBRRONI

Kombiyuutaro iyo interned. Maktabadaha intoo- da badan waxaad ka helaysaa wifi lacag la’aan ah.

Birinter iyo koobi mashiin. Waxa lagaa qaadi dhowr karoon warqad kasta oo aad soo daabacdo ama aad sawirato.

Buugaagta carruurta iyo kuwa dadka waaweyn oo ku qoran luqado badan. Buugaagta qaarkood ayaa ah qaar luqad fudud ku qoran. Waxay ku qoran yihiin jumlado gaagaaban iyo kalmado jiljilicsan.

Waxa kale oo jira buugaag la dhageysto

Joornaalo ku qoran luqado badan oo dunidoo dhan ka yimaada. Joornaalada qaarkood waxa lagu helayaa warqad qaarna waxay ku jiraan dhayto bayska looo yaqaan PressReader.

Koorsooyinka luqada iyo Macluumaadka bulshada.

Buugaagta naxwaha iyo qaamuusyo.

Haddii aanad helin buugaag ku qoran luqadaada ayaad shaqaalaha weydiisan kartaa caawimo.

Maktabadaha qaar ka mid ah ayaa haya filimo, muusig iyo ciyaaraha TV-ga.

Markaad haysata kaadhka maktabada ayaad buugaag, joornaalo ama muusig guriga u qaadan kartaa.

Waxa sidoo kale la sameyn karaa in lagu akhristo maktabada.

La hadal shaqaalaha jooga maktabada si aa u hesho kaadhka maktabada.

Qofka weyni waa inuu tuso aqoonsigiisa si uu u helo kaadhka maktabada. Aqoonsiga la ogol yahay waxa ka mid ah tusaale ahaan, LMA-kaadhka ama baasaaboor Swiidhish ah, liisan ama ID-kaadh.

Qofka ka yar 18 sanno waa inuu qof weyni caawiyaa si uu u helo kaadhka maktabada. Waxay noqon kartaa hooyadaa ama aaba- haa, gudhmaankaaga, qareenkaaga ama shaqaalaha meesha aad degantey.

Waxba kuma kharash gareynayso inaad qadato kaadhka mak- tabada. Laakiin haddii uu kaa lumo kaadhkaaga maktabadu waxa lagaa qaadi 20 kronor si aad mid cusub u hesho.

Sii qaado kaadhkaaga maktabada marka aad tageyso maktabada.

Maktabada waxaad kula kulmi kartaa dadka kale.

Waxaad iman kartaa maktabada oo aad wax ku akhrisan kartaa.

Marmarka qaarkood ayay maktabadu lagu qabtaa xiliga sheekada carruurta ama qaxwaha luqada ee dadka waaweyn. Maktabadu waxa kale oo ay qaban kartaa waxqabadyada kale. Inta badan waa lacag la’aan in la galo.

Bibblo.se ayaa ah bogga maktabada Norrbotten.

Bogga Bibblo.se ayaad ka raadsan kartaa buugaag oo aad ka arki kartaa waxa yaala maktabada.

Waxaad ka furan kartaa koonto isticmaalaha Bibblo.se.

Koontada isticmaalaha ayaa kaga deynsan kartaa waxyaalaha aad guriga ku haysato, ka xejisan kartaa buugaagta dhamaan Norrbotten yaala oo aad kaga deynsan kartaa buugaagta eleg- trooniga.

Carruurta iyo da’yarta ayaa leh Maktabad Biblioteken i Norrbot- ten taas oo ah bar internedka oo la yidhaa Polarbibblo.se.

Uma baahnid wax koontada isticmaalaha si aad u soo gasho Polarbibblo.se.

Waxaad Polarbibblo.se lagu sameyn karaa in wax lagu qoro, saw- iro, laga khriyo oo wax laga dhageysto. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu soo daabici karaa bogga internedka.

Waa maxay Noras pulka? waa buu dijital ah oo carruurta oo aad ka akhriyi karto Polarbibblo.se. Waxa uu ku qoran

yahay luqado badan.

Waxyaalahan ayaa yaala maktabada

Kaadhka maktabada Waxaad sameyn kartaa waxaan kaliya aheyn

inaad buugag ka deynsato maktabada.

Maktabada internedka

Loogu talo galay carruurta iyo da’yarta internedka ku jirta

Anaga ka shaqeyna maktabada ayaa jecel inaanu su’aalahaaga ka jawaabno!

Waa lacag la’aan in buugaag la deynsado.

Muddo ayaad haysan kartaa waxaad deynsatey. Waxaad heli doontaa rasiidh halkaas oo ay ku qoran tahay xiliga ay tahay inaad soo celinso buugaagta.

Haddii aanad wali dhameynin akhriska buuga ayaa dib u deynsan kartaa marlabaad.

Haddii aad la soo habsaanto buuga waa inaad bixiso kharash.

Waxa weeye hal kroon maalintii buug kasata oo aad la soo habsaamtid.

Uma baahnid inaad kharash bixiso haddii aad la soo habsaanto buugaagta carruurta ama haddii aad ka yartey 18 sanno.

Haddii aanad soo celin buugaagta waa inaad bixiso buug cusub Marka aad deynsanayso

Referanslar

Benzer Belgeler

• Protokol; sosyal ilişkilerde iki veya daha fazla insanın karşılaşabilecekleri her yerdeki davranışlarının gelenek, görgü, nezaket kuralları içinde yapılmasına denir..

• Ne kadar çok dallanıp budaklanmışsa çözüme de o denli yaklaşılmış demektir.. • Hızlı hareket etmeyi ve

Bürolarda daha çok alt düzey yönetici, memur, sekreter olarak çalışanların bulundukları statülere göre yapmaları gereken görevleri ve bu görevlerin işlemleri şu

• Yönetim, örgütsel amaçlara etkili ve verimli bir şekilde gerçekleştirmek için, örgütsel kaynakların (fiziksel, mali, insan kaynağı ve zaman).. planlanması, uygulanması

• Dosyalardan veya personelden, büro programları veya periyodik raporlar ile ilgili rutin araştırmalar hakkında bilgi toplar.. • Yöneticiye bağlı diğer elemanlara

Her insan stresten şu veya bu şekilde etkilenir ve her insanın stres katsayısı yani stres toleransı farklıdır.. Yani her insanın kaldırabileceği stres

Alana Olan Katkılarından Dolayı Değerli Hocalarım Olan Kitap Yazarlarına.

beraber çalıştığı kişileri etkilemek için iş ararken, ortaya koyduğu kararlılığı ve mücadeleyi dikkatle ve acele etmeden sergilemesi gerekir.. Yöneticinizi, sizi