Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-08-31
Patientinformation och förhållningsregler Hepatit A, översättning till somaliska
Cudurka cagaarshow nooca A, warbixinta bukaanka
Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo.
Waa maxay cagaarshow nooca A?
Waxaa suura gal ah in cudurka Cagaarshow nooca A fiiruskiisa lagu qabadsiiyay ama cudurka qabtid, taasoo keenta bukaan beerka iyo iyadoo badanaa jirku huruud noqdo.
Cudurku caadi ahaan, iyadoo la daaweynin, bukaanka dareemin, ayaa laga biskoodaa.
Hase ahaatee, bukaanka wuxuu cudurka qabadsiin-karaa dad kale, labada todobaad ee hore iyo todobaad kadib, marka cudurka ka biskoodo.
Sidee laysu gaadsiiyaa cudurka?
Waxaa bukaanka cagaarshow nooca A saxaradiisa la socda fiiruska cudurka keeno, taasana faafisa cudurkeenaha, siiba haddii ay gaarto cuntada ama cabbitanka. Qofkii hore ugu dhacay cagaarshow nooca A, wuxuu jirkiisa sameeya dhifaaca jirka, kaaso ka
badbaadiyo fiiruska.
Talooyin ku saabsan ka hortagga faafinta cudurka
Sída looga hortago faafinta cudurka awgeed, waa in la ilaaliyaa nadaafadda taasoo saldhig u tahay in ay joojiso faafinta cudurka. Waa in tixgeliyaa asluubta hab-dhaqanka hoos ku xusan.
Xeerarka qasabka ah in la dhowro:
* Cunugga ku dhacay cudurka waa in u san tegin goobaha carruurta lagu xannaanadeeyo ama dugsiyada.
* Haddii qofku ka shaqeyso goob cunto ah ama raashiin lagu diyaariyo, cudurkuna la qabadsiiyay, waxaa waajib qofka ku ah in uu wargeliyo maamulka goobta shaqada.
* Haddii qofku ku jiro xilliga oo cudurka faafiyo, loo ma oggola in uu ka shaqeeyo goob raashiin lagu diyaariyo, xanaanada carruurta iyo goobta lagu xannaaneyo dadka difaaca jirkoodu hoos yahay.
* Qofka cudurka qabo waa inuu dhowra ballamada iyo barista takhtarkiisa.
Cudurka lagu qaadsiiyay waa cudur dadweynaha halis u ah, sida hadba ku xusan Xeerka Iska Badbaadinta Cudurrada Laysku Faafiyo. Sidaas awgeed waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay. Taaso takhtarku dib ugu fiirsan karo haddii aad ka codsato. Sidaas awgeed, waa inaad tixgelisaa asluubta hab- dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay, haddii aanan waxba laga beddelin. Adreeska takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ee gobolka aad degen tahay waa:
Waxaad kalo adreeska ka heleysaa buugga talayfoonada.
Smittskydd, Norrbottens läns landsting Sunderby sjukhus
971 80 Luleå
www.nll.se/smittskydd