• Sonuç bulunamadı

Warbixin bukaanka kalaamiidiyada (2016-10-21) Qoraalka dhakhtarada ka hortagga cudurada faafa

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Warbixin bukaanka kalaamiidiyada (2016-10-21) Qoraalka dhakhtarada ka hortagga cudurada faafa"

Copied!
2
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

Klamydia, patientinformation 2016-10-21 – översättning till somaliska

Warbixin bukaanka kalaamiidiyada (2016-10-21)

Qoraalka dhakhtarada ka hortagga cudurada faafa.

Maxaa warbixintaan lagu siinayey?

Waxaad qaadday ama lagugu tuhunsan yahay cudurka kalaamiidiyada. Waxaa halkaan ku qoran warbixin ku saabsan kalaamiidiyada, sida loo daaweeyo iyo waxa lagaaga baahan yahay inaad samayso.

Waa maxay kalaamiidiya?

Kalaamiidiyada waxaa keena bakteeriyo badanaaba gasha xuubabka kaadimareenka, siilka, malawadka iyo jidiinka. Mararka qaarkood waxaa laga dareemi karaa jidiinka.

Kalaamiidiyadu waxay jirka ku jiri kartaa muddo oo mararka qaarkood sanooyin badan iyadoo aan la dareemin.

Sidee loo kala qaadaa Kalaamiidiyada?

Kalaamiidiyada waxaa inta badan la isku qaadsiiyaa galmo aan la is-ilaalin, ha noqoto mid xubnaha galmada la iskala sameeyey ama mid futada ama mararka qaarkood afka la isticmaalo. Waxaa kaloo la isku qaadsiin karaa isa salaaxidda iyo qalabka galmada loo isticmaalo.

Kalaamiidiyada laguma kala qaado dharka iyo shukumaanada la isla isticmaalo ama

musqusha la isla wadaago maadaama aysan bakteeriyadu ku badbaadi karin bannaanka jirka.

Marar badan ayaa la qaadi karaa kalaamiidiya.

*Istiimin = “salaaxid dareen leh”, in la isa salaaxo iyadoo la isu galmoon, wadajir u seegeysi.

Ma la garan karaa in kalaamiidiya la qabo?

Dad badan oo cudurka qaada ma muujiyaan wax astaamo ah, micnaha ma gartaan inay infakshan qaadeen.

Qaar ayey kaadidu gubtaa.

Dumarka waxaa ka dareeri kara dhacaan dhiig wata iyo inay xanuun ka dareemaan gumaarka. Ragga dhacaan ayaa ka soo dareeraa kaadimareenka, xiniinyuhuna waa xanuunaan. Dhacaan ayaa ka soo dareeri kara futada haddii la iska la galmoodo.

Kalaamiidiyada waa la isqaadsiin karaa xataa haddii aysan astaamaheedu muuqan.

Ma khatar baa kalaamiidiyadu?

Haddaan laga daaweyn waxaa dumarka dhaawac ka soo gaari karaa ugxansidayaasha, taas oo keeni karta inay ku adkaato uurqaadiddu ama ilmuhu ku abuurmo ilmagaleenka

bannaankiisa. Ragga infakshan ayaa ka geli kara kiishka shahwadda. Kalaamidiya waxay kaloo sababi kartaa infakshan indhaha ku dhaca iyo xanuun kalagoysyada

Sidee loo daaweeyaa kalaamiidiyada?

Antibiyootiko ayaa kalaamiidiyada lagu daaweeyaa (kiniini). Infakshanka ayaa kaa baaba’aya haddaad kiniiniga u qaadato sida laguugu qoray oo aad raacdo talooyinka lagu siiyo.

Daaweyntu waa lacag la’aan.

Waa inaad waqtiga cusub oo lagu qabtay ku timaaddaa rugta qaabbilaadda.

Marka aad qabto kalaamiidiya, waa in aadan khatar gelin oo aadan qaadsiin qof kale. Habka ugu ammaansan waa in aadan qof galmo la samayn ilaa inta dhakhtarku ka caddeynayo inaad bogsootay, taas oo qaadan karta ilaa 10 maalmood. Haddiise aad dooneyso inaad qof galmo la sameyso, waxaa khasab kugu ah inaad qofkaas u sheegto inaad

kalaamiidiya qabto oo aad isticmaasho wax celiya isu gudbinta (cinjir).

Dabagalka cudurka - maxay la micne tahay?

Aad ayey muhiim u tahay in la ogaado dadka qaba kalaamiidiyada si loo daaweeyo, si loo yareeyo khatarta dhaawac (eeg kor) ama in aan infakshankaas la qaadsiin dad kale.

Haddaad qabto kalaamiidiya waa inaad u sheegtaa qofka cudurka baaraya dadka aad horay u la soo galmootay, mararka qaarkood ilaa sannad ka hor.

(2)

Klamydia, patientinformation 2016-10-21 – översättning till somaliska

Waxa aad u sheegto qofka dabagalka ku samaynaya cudurka waa sir (sirta xirfadda). Qofka aad tahay loo ma sheegi doono dadka aad magacyadooda soo gudbiso. Waxaa keli ah oo loo sheegayaa inay ku khasban yihiin inay isbaaraan.

Kalaamiidiyadu waxay ku caddahay sharciga ka hortagga cudurada faafa - maxay la micne tahay?

Sharciga ka hortagga cudurada faafa waxaa ku cad habka looga hortegayo cudurada sida kalaamiidiyada si uusan ugu sii fidin dadka kale. Haddaad qabto ama lagugu tuhunsan yahay cudurka kalaamiidiyada, waxaa khasab kugu ah inaad raacdo talada dhakhtarkaaga.

 Waa inaad timaaddo booqashooyinka uu dhakhtarku mar dambe kuu qabto.

 Waa inaad qofka aad la galmooneyso u sheegtaa inaad qabto kalaamiidiya ama isku tuhunsan tahay.

 Inta ay daawadu kuu socoto waa inaad isticmaashaa wax aad isku ilaaliso sida cinjirka (kondom).

Haddaad u aragto in amar lagu siiyey uu qaldan yahay, waxaad kala xiriiri kartaa dhakhtarka ka hortagga cudurada faafa ee gobolkaaga.

Ma dooneysaa inaad ogaato wax dheeraad ah?

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan kalaamiidiyada waxaa laga helayaa:

www.1177.se

www.folkhalsomyndigheten.se

www.umo.se (barta internet ee qaabbilaadda dhallinyarada)

Qaybta warbixin ikhtiyaari ah Waxaad la kulantay (Du har träffat)

……….

Taariikhda loo qabtay dabagalka cudurka (Smittspårning bokad datum)

……….

Soo-noqoshada dambe (Nästa återbesök)

……….

Lambarka telefoonka/waqtiga telefoonada ee qaabbilaadda (Telefonnummer/telefontid till mottagningen)

……….

Referanslar

Benzer Belgeler

Waa inaad qofka u sheegta in dhiiga u infeekshan leeyahay iyo in adiga aad jirkaaga ku sido fayruuska hiv, tan kale waa in qofkaas u sida ugu dhaqsida badan la xiriira takhtarka adiga

Sida hadba ku xusan Xeerka Raashinka waxaa ku xilsaaran inaad shirkadda aad u shaqayso wargeliso cudurka lagugu daartay, haddii aad ka shaqayso goob raashinka aanan baakada ku jirin

Sidaas awgeed, waa in an ku dhaqaaqna sida loo heli lahaa qofka cudurka keenay iyo haddii ay jiraan dad kale oo cudurka ku dhacay.. Sidaas awgeed, waxaa baaritaan iyo raajo

Haddaad qabto ama lagugu tuhunsan yahay cudurka jabtada, waxaa khasab kugu ah inaad raacdo talada dhakhtarkaaga..  Waa inaad timaaddo booqashooyinka uu dhakhtarku mar dambe

Si de todos modos tiene relaciones sexuales, debe informarle a la persona que usted tiene gonorrea y que deben utilizar protección (preservativo tradicional/femenino).. Rastreo de

Si vous voulez quand même avoir un rapport sexuel, vous devez dire à votre partenaire que vous êtes atteint de syphilis et vous devez utiliser une protection

Si de todos modos mantiene relaciones sexuales, debe informar a su pareja sexual de que usted tiene sífilis y que deben utilizar protección

؟دنک ساسحا ار عوضوم نیا دناویتم وا ایآ ،دشاب ایدیملاک لماح صخش هاگره صخش هک ینعم نیا هب دسریمن هدهاشم هب نآ زا یناشن چیه یرتکاب نیا هب هدولآ یدارفا تیرثکا دزن دشابیم