Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-09-21
Patientinformation och förhållningsregler Shigella, översättning till somaliska
Jeermiska caloosha ”Shigella”, warbixinta bukaanka
Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo.
Waxaa laga shakisan yahay in aad qabto infeekshanka Shigella. Astamaha jeermiskan waxaa kamid ah caloolbax culculus oo kolkol dhiig la socdo, caloolxannuun iyo qandho. Laakinse astamaha waxay noqon karaan kuwo fudfuduud, ama waxaaba laga yaaba in bukaha uu wax astammo ah ba dareemin. Caadi ahaan infeekshanka daawo laa’aan ayuu ciribtirma. Laakinse badi ahaan waxaa lagu daaweeyaa antibiotica. Maadama infeekshanka Shigella uu faafo.
Jeermiska wuxuu soo raaca saxaarada, waxaana laysku qaadsiiyaa haddii qofku usan ii fiican isaga dhiqin gacmahiisa kadib markii musqusha uu ka soo baxo. Caadi ahaan waxaa laysku qaadsiiyaa haddii lagu isticmaalo raahin iyo cabbitan leh jeermisyada. Xayawaanada kuma dhaco jeermiska Shigella mana gudbiyaan. Halista faafinta waxay ugu weyn tahay markii bukaanku uu caloolbaxayo. Jeermiska Shigella wuxuu ku nolaan karaa saabuunada iyo shugumaanooyinka qoyaanka ah, wuxuna u gudbi karaa raashinka iyo biyaha, sidaas-na aadenaha ugu sii gudba.
Jeermiska wuxuu ku ciribtirmaa kuleelka. Raashinka sii fiican loo kariyay ama loo dubay, oo jeermiska lahayn kadib markii u kulul yahay, ma gudbiyaan jeermisyada Shigella. Tarmida jeermisyada waxaa loogu hortegi karaa iyadoo raashinka kuleelka ah lagu xajiyo kuleelkiisa, kan qaboowga ahna lagu xajiyo qaboowgiisa. Raashinka lagu keydsho qaboojieha culus saamayn kuma yeesho jeermiska Shigella, kaaso badi ahaan dalka Iswiidan dibeda ugu yimaado. Laakinse xitaa dalka waa laga helaa.
Haddii la tixraaco talooyinka nadaafad-shaqsiyeedka ee fudud – tusaale kuwa ku xusan warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ”Hygienråd vid tarmsmitta”, qofka aanan lahayn astammada cudurka wuxuu tegi karaa shaqadiisa ama dhigan karaa dugsigiisa. Xaaladaha qaarkood, ama xirfadaha qaarkood waxaa dhici karto in bukaanka laga beddelo waaxdi u ka shaqayn jiri ama shaqada laga joojiyo ilaa halista jeermis-faafinta ay ku ciritirmato. Xaaladaas waxaa bukaanka waajib ku ah innuu oggolaado shay-baarka cudurrada.
Xeerarka qasabka ah in la dhowro:
* Cunugga ku dhacay cudurka waa in u san tegin goobaha carruurta lagu xannaanadeeyo ama dugsiyada.
* Haddii qofku uu ka shaqeyso goob cunto ah ama raashiin lagu diyaariyo, cudurkuna la qabadsiiyay, waxaa waajib qofka ku ah in uu wargeliyo maamulka goobta shaqada.
* Haddii qofkuuu ku jiro xilliga cudur faafinta, loo ma oggola in uu ka shaqeeyo goob raashiin lagu diyaariyo, xanaanada carruurta iyo goobta lagu xannaaneyo dadka difaaca jirkoodu hoos yahay.
* Qofka cudurka qabo waa inuu dhowra ballamada iyo barista takhtarkiisa.
Cudurka lagu qaadsiiyay waa cudur dadweynaha halis u ah, sida hadba ku xusan Xeerka Iska Badbaadinta Cudurrada Laysku Faafiyo. Sidaas awgeed waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay. Taaso takhtarku dib ugu fiirsan karo haddii aad ka codsato. Sidaas awgeed, waa inaad tixgelisaa asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula
taliyay, haddii aanan waxba laga beddelin. Adreeska takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ee gobolka aad degen tahay waa:
Waxaad kalo adreeska ka heleysaa buugga talayfoonada.
Smittskydd, Norrbottens läns landsting Sunderby sjukhus
971 80 Luleå
www.nll.se/smittskydd