• Sonuç bulunamadı

Cudurka Qaaxada ”TBC”, warbixinta bukaanka 2004-07-01 Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Cudurka Qaaxada ”TBC”, warbixinta bukaanka 2004-07-01 Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee"

Copied!
1
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-09-21

Patientinformation och förhållningsregler Tuberkulos, översättning till somaliska

Cudurka Qaaxada ”TBC”, warbixinta bukaanka 2004-07-01

Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo.

Sidee baa cudurka Qaaxada laysu qaadsiiyaa?

Cudurka qaaxada waxaa keeno jeermisyo. Wuxuuna ku faafaa hawada. Waa markii lagu neefsado hawo leh jeermiska. Kuwaaso ku yimi markii qof qaba qaaxada sanbabaha uu qunfaco. Waqtiga qofku gaaro bakteeriga cudur keenaha ilaa uu qofka ka bukoodo waxaa u dhexeyso waqti badan.

Waayahaan danbe waxaa la hela daawooyin fiican

Waxaa jiraan daawooyin waxtar leh ee daaweeyo qaaxada. Hase ahaatee, taasi waxay qaadataa waqti dheer ilaa qofku uu sambabkiisa ka tirtirmo cudurka.

Waxaa muhim ah inta qofka daawada u socoto, ka ilaaliyo inuu qabadsiiyo cudurka dad kale.

Waxaa kale muhim ah in qofku hab joogto ah u qaato dawooyinka, uguna qaybgalo baraamijka caafimaadka ee loogu tala galay. Goorta qofku ka biskoodo cudurka wuxuu qofka dib ugu soo noqon karaa nolol caadi ah. Caadi ahaan qofku u ma baahna in takhtarku uu jirro muddo dheer ah ku qoro.

Qaaxada waxaa lagu tiriyaa cudurada lays qabadsiiyo, halisna bulshada u ah. Sidaas awgeed, waa in an ku dhaqaaqna sida loo heli lahaa qofka cudurka keenay iyo haddii ay jiraan dad kale oo cudurka ku dhacay. Sidaas awgeed, waxaa baaritaan iyo raajo loogu yeeri doona xubnaha qoyskaada iyo dadka kale ee agagaarkaaga ku nool. Adiga waxaa ku qasban tahay inaad kaalin ka qaadato sidii loo heli laha dad kale ee cudurka ku dhacay. Sidaas kale, qaraabadaada waxaa iyagana waajib ku ah in ay oggolaadan baaritaanka.

Asluubta hab-dhaqanka waajibka kugu ah inaad tixgeliso sidii aad cudurka aadan u qaadsiin dad kale:

- Waxaa waajib ah in la dhowro baarista iyo balamada takhtarka ku qiyaasay inay muhim u tahay caafimaadka.

- Daawooyinka lama bedeli karo iyada aan loola tashanin takhtarka bukaanka.

- Haddii qofku go’aansado in takhtarka iska bedelo, waa in la wargeliyo takhtarka qofka daawadiis la socdo.

Waa inaad tixgelisaa qoddobada hoos ku xusan xilliga ay jirto halista faafinta cudurka - Laguma oggola inaad qol dad kale la seexato.

- Laguma oggola in aad la dhaqanto carruurta yaryar iyo dumar xaamilo ah, ama dad cudurka aanan laga tallaalin iyo dadka difaaca jirkoodu hooseeyo.

Xuriyad buuxda ayaa hooygaaga iyo dibaddaba ku qabtaa, haseyeeshee iska ilaali dhex galka dadka aan qoyskaaga ahayn. Iska ilaali in marti guriga kugu soo booqato.

Cudurka lagu qaadsiiyay waa cudur dadweynaha halis u ah, sida hadba ku xusan Xeerka Iska Badbaadinta Cudurrada Laysku Faafiyo. Sidaas awgeed waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay. Taaso takhtarku dib ugu fiirsan karo haddii aad ka codsato. Sidaas awgeed, waa inaad tixgelisaa asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay, haddii aanan waxba laga beddelin. Adreeska takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ee gobolka aad degen tahay waa:

Smittskydd, Norrbottens läns landsting Sunderby sjukhus

971 80 Luleå

www.nll.se/smittskydd

Referanslar

Benzer Belgeler

Rabadhka ka hortaga uureysiga ee dhinaca wasmada afka, siilka ama futada Rabadhka ka hortaga uureysiga waa difaac wanaagsan oo ka hortaga hiv iyo xanuunada kale ee ku faafa

Farqigu waa in xilliga infekshan leh baakteeriyada abuurta ESBL ay khasab tahay in qofka lagu daweeyo noocyo kale oo antibayootika ah.. Mararka qaarkood tani waxay tahay

Waa inaad qofka u sheegta in dhiiga u infeekshan leeyahay iyo in adiga aad jirkaaga ku sido fayruuska hiv, tan kale waa in qofkaas u sida ugu dhaqsida badan la xiriira takhtarka adiga

Sida hadba ku xusan Xeerka Raashinka waxaa ku xilsaaran inaad shirkadda aad u shaqayso wargeliso cudurka lagugu daartay, haddii aad ka shaqayso goob raashinka aanan baakada ku jirin

Jeermiska caloosha ”Salmonella” wuxuu badi ahaan keena shuban, laakinse kooxaha astamaha waxay noqon karaan kuwa kala duwan, sida kuwa an dhibaato lahayn, qandho kulul leh

Haddii la tixraaco talooyinka nadaafad-shaqsiyeedka ee fudud – tusaale kuwa ku xusan warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ”Hygienråd vid

Haddaad qabto ama lagugu tuhunsan yahay cudurka kalaamiidiyada, waxaa khasab kugu ah inaad raacdo talada dhakhtarkaaga..  Waa inaad timaaddo booqashooyinka uu dhakhtarku mar

* Haddii qofku ku jiro xilliga oo cudurka faafiyo, loo ma oggola in uu ka shaqeeyo goob raashiin lagu diyaariyo, xanaanada carruurta iyo goobta lagu xannaaneyo dadka difaaca