• Sonuç bulunamadı

Jeermiska caloosha ”Salmonella”, warbixinta bukaanka

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Jeermiska caloosha ”Salmonella”, warbixinta bukaanka"

Copied!
2
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-09-21

Patientinformation och förhållningsregler Salmonella, översättning till somaliska

Jeermiska caloosha ”Salmonella”, warbixinta bukaanka 2004-07-01.

Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo.

Waxaa lagu qaadsiiyay (ama laga shakisan yahay in lagu qaadsiiyay) jeermiska caloosha

”Salmonella”. Caadi ahaan wuxuu bukaanku cudurku ku dhaca haddii uu adeegsado raashin ama cabbitaan jeermiska ku jira. Laakinse, jeermiska waxaa xitaa laga hela xayawanada. Jeermiska caloosha ”Salmonella” wuxuu badi ahaan keena shuban, laakinse kooxaha astamaha waxay noqon karaan kuwa kala duwan, sida kuwa an dhibaato lahayn, qandho kulul leh ama

”infeekshanka caadi ah oo keena jeermiska ku jira mallaxda ee dhiigga la wareegga”. Astamaha waxay caadi ahaan ciribtirmaan toddobaad gudahiisa, laakinse cudurkeenaha wuxuu xilli ku haraa xiidmaha.

Waxtarka daawada antibiotica badi ahaan wuu hooseeyaa. Haddiise ay jirto jirro culus oo sidato qandho ama dhibaato kale, xaaladaas daawada antibioticada qiimo weyn bey leedahay.

Jeermisyada waxay ku jiraan xiidmaha.

Halista faafinta jeermisyada waxay ugu weyn tahay markii bukaanu u caloolbaxayo, waxaa markaas jirkiisa ka soo qulqulaayo jeermisk tiro badan. Sidaas awgeed, wey adag tahay xajinta nadaafad-shaqsiyeedka. Halista faafinta jeermisyada waxaa hoos loo dhigi karaa, haddii aad logu dadaalo nadaafad-shaqsiyeedka markii bukaanku u musqusha booqanaayo, uuna gacmaha mar kasto iska dhaqo. Caadi ahaan qofku wuxuu cudurku ku dhici karaa haddii jeermis oo tiro badan ay jirkiisa galaan, laakinse dadyoowga qaarki waxaa ku filan tiro intaas ka yar, siiba carruurta yaryar iyo waayeelada.

Jeermisyada waxaa laysku faafiyaa haddii ay helaan fursan ay ku tarmaan. Raashin oo aanan hab wanaagsan loo keydinin ama loo habayn wuxuu noqon kara amid halis ah. Jeermisyada waxay ku ciribtirmaan kuleelka. Raashinka si fiican loo kariyay ama loo dubay ma faafiyo jeermiska caloosha ”Salmonella”. Tarmida jeermisyada waxaa loogu hortegi karaa iyadoo raashinka kuleelka ah lagu xajiyo kuleelkiisa, kan qaboowga ahna lagu xajiyo qaboowgiisa.

Haddii la tixraaco talooyinka nadaafad-shaqsiyeedka ee fudud – tusaale kuwa ku xusan warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ”Hygienråd vid

tarmsmitta”, qofka aanan lahayn astammada cudurka wuxuu tegi karaa shaqadiisa, dhigan kara dugsigiisa ama tegi karaa xannaanada carruurta. Xaaladaha qaarkood, ama xirfadaha qaarkood waxaa dhici karto in bukaanka laga beddelo waaxdi u ka shaqayn jiri ama shaqada laga joojiyo ilaa halista jeermis-faafinta ay ku ciritirmato. Xaaladaas waxaa bukaanka waajib ku ah innuu oggolaado shay-baarka cudurrada.

Sida loogu hortago faafinta jeermisyada waa in bukaanku u tixgeliyaa asluubta hoos ku xusan:

* Gacmaha sii fiican isaga dhaqaa, siiba markii raashin u habeeynaayo.

* Ku isticmaalo saabuun, siiba kuwa biya-biyaha ah iyo shukumaan isaga u gaar ah ama xaanshida lagu tirtirto. Waxaana ka sii fiican haddii bukaanka u lee yahay musqul isaga u gaar

1 (2)

(2)

Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-09-21

ah, laakin shardi ma aha.

* Haddii cunug suufka loo xiro u cudurku ku dhaco, waa in gacmaha sii fiican laysaga dhaqa mar kasto oo suufka cunuga buko laga beddelo. Si wanaagsan loo nadiifiyo miiska sufka looga

beddelo. Suufka lagu isticmaalay waa in bac la geliyaa, markaas kadib loo tuura sida qashin oo kale.

Asluubta hab-dhaqanka bukaanka ku khasban innuu tixgeliyo:

*Haddii bukaanku u ka shaqeeyo laamaha hoos ku xusan waa in laga beddela waxda shaqada, ama shaqada laga joojiyaa ilaa u ka helo warqadda caddaynta ciribtirmida faafinta feermiska

"smittfriförklaring":

- bukaanada xirfad ahaan ka shaqeeya isku habaynta iyo diyaarinta raashin aanan baako ku jirin.

- bukaanada xirfad ahaaa ka shaqeeya xannaanada carruurta aad u yaryar ama bukaano difaacooda jirka uu aad u hoseeyo.

* Bukaanku waxaa waajib ku ah innuu ku dhaqaaqo shay-baaryada takhtarkiisa amro.

Cudurka lagu qaadsiiyay waa cudur dadweynaha halis u ah, sida hadba ku xusan Xeerka Iska Badbaadinta Cudurrada Laysku Faafiyo. Sidaas awgeed waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay. Taaso takhtarku dib ugu fiirsan karo haddii aad ka codsato. Sidaas awgeed, waa inaad tixgelisaa asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula

taliyay, haddii aanan waxba laga beddelin. Adreeska takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ee gobolka aad degen tahay waa:

Smittskydd, Norrbottens läns landsting Sunderby sjukhus

971 80 Luleå

www.nll.se/smittskydd

2 (2)

Referanslar

Benzer Belgeler

Ateş, dalgınlık, bıngıldak kabarıklığı ve hava/e geçirme yakınması ile başvuran ilk BOS sonuçları ile bakteriyel menenjit tanısı alan altı aylık kız olgu,

Olguda kan kültürlerinde salmonellan›n üretilmesi, kan kültüründe yine ayn› gün- lerde al›nan örneklerde leptospiran›n üretilmesi ve bu- nun aglütinasyon testi olarak

Toplum ya da hastane kökenli pnömonilerin komplikasyonu olarak görülen parapnömonik plevral sıvılar komplike olmayan ve komplike olan (ampiyem) efüzyonlar olarak ayrılabilir..

Enteritidis sayısı 10 6 kob/g olan ve 4°C’de muhafaza edilen tavuk derisi örnekleri incelendiğinde, tavuk göğüs eti örneğinde olduğu gibi SEnt-fajları kokteyl

Anyone who is free of symptoms can often remain at work or school by following the rules of conduct and hygiene advice below.. However, some professions require redeployment or

Sida hadba ku xusan Xeerka Raashinka waxaa ku xilsaaran inaad shirkadda aad u shaqayso wargeliso cudurka lagugu daartay, haddii aad ka shaqayso goob raashinka aanan baakada ku jirin

Sidaas awgeed, waa in an ku dhaqaaqna sida loo heli lahaa qofka cudurka keenay iyo haddii ay jiraan dad kale oo cudurka ku dhacay.. Sidaas awgeed, waxaa baaritaan iyo raajo

 Pullorum disease generally affects young chicks and seldom affects older chickens..  Both diseases can be transmitted through the egg by transovarian