• Sonuç bulunamadı

Bakteeriyada abuurta ESBL, warbixinta bukaanka Xaashida ka hortaga faafinta ee dhakhtarka ka hortaga faafinta.

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Bakteeriyada abuurta ESBL, warbixinta bukaanka Xaashida ka hortaga faafinta ee dhakhtarka ka hortaga faafinta."

Copied!
2
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

1 (2) 2014-05-09

ESBL, patientinformation 2014-05-09 – översättning till somaliska

Bakteeriyada abuurta ESBL, warbixinta bukaanka

Xaashida ka hortaga faafinta ee dhakhtarka ka hortaga faafinta.

Waa maxay ESBL?

ESBL micnaheedu waa ”extended spectrum betalactamases med karbapenemasaktivitet”.

Waa maadada (maado falgalada dedejisa) taas oo ay samayn karaan baakteeriyada mindhicirka. Maadooyinkan waxay burburiyaan noocyada anti bayootigada caadiga ah.

Sidaas darteed baakteeriyada abuurta ESBL waxay la kulmaan awood ka soo horjeesata (iska caabin) kuna aadan antibayootikada noocan ah. Laakiinse waaxaa lagu daweyn karaa noocyo kale oo baakteeriya ah haddii ay keenaan infekshan. Dadka oo dhan baakteeriya way ku leeyihiin mindhicirka, waxa lagu magacaabo nidaamka mindhicirka. Tani waxay lagama maarmaan u tahay si loo burburiyo cuntada oo muhiim ayay u tahay difaaca jirka.

Baakteeriyada abuurta ESBL waa baakteeriya mindhicir kuwaas oo ka mid ahaan kara nidaamka mindhicirka muddo wakhti kooban ama dheer.

Miyay khataro leedahay ESBL?

Khatarta ugu weyn ee baakteeriyada iska caabisa antibayootikada waa in antibayootiko sax ah aan la helin xilliga infekshan. Daadka badankooda leh baakteeriyada abuurta ESBL waxay ku leeyihiin kuwan mindhicirka iyagoo aan lahayn xanuun, waxa lagu magacaabo sidaha. In side la ahado maaha cudur oo maaha in la daweeyo. Baakteeriyada abuurta ESBL ma

sababto in cudur sii bato marka la barbardhigo baakteeriyada kale. Haddii baakteeriyada abuurta ESBL ay sababto cudur infkekshan ah tani badanaaba waa infekshanka kaadi mareenka laakiin waxaa kale oo ay ahaan kartaa noocyo kale oo infekshan ah. Farqigu waa in xilliga infekshan leh baakteeriyada abuurta ESBL ay khasab tahay in qofka lagu daweeyo noocyo kale oo antibayootika ah. Mararka qaarkood tani waxay tahay daryeel caafimaad oo laga helo isbitaal oo baddel u ah in kiniini lagu qaato guriga.

Sidee ayay ku faaftaa ESBL?

Sida qofku ku noqdo sidaha baakteeriyada abuurta ESBL waxa khasab ah inay ka soo galaan dhinaca afka. Qofka wuxu ugu faafi karaa dhinaca cuntada iyo biyo ku wasakhaysan

baakteeriyada mindhicirka, ugu horeyn xilliga safarada dalka dibediisa. Baakteeriyadani waxa kale oo ay ku faaftaa dhinaca gacmaha ka dib booqashada suuliga. Dhinaca daryeelka caafimaadka baakteeriyada abuurta ESBL waxay bukaan socodka ugu kala gudbi kartaa iyadoo ka timi nabar iyo tuumbooyinka kaadida, ugu horeyn dhinaca gacmaha.

Qofku ma ka bixi kartaa ESBL?

Maadaama baakteeriyada mindhicirka ee abuurta ESBL ay noqoto qayb ka mid ah nidaamka mindhicirka ee caadiga ah waxaa qofku sidi karaa iyaga muddo dheer (bilo-sannado). Maaha suurtagal in la sheego dhererka wakhtiga adigu aad sidayso baakteeriyadan, laakiin dadka badankooda waxay u badantahay inay ka baxdo ka dib. Baaritaanka shay baarka saxarada ma loo baahdo badanaaba.

Maxay tahay inaad ka fikirto?

● Nadaafada gacmaha waxay leedahay muhiimad isku mid ah sida mar kastaba.

Gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo ka dib booqashada musqusha iyo ka hor cunto karinta/xilliga cuntada. Saabuunta dareeraha ah ayaa mar kastaba la door bidaa.

● Adigu uma baahnid in aad dadka kugu hareersan ku wargelisid inaad tahay sidaha baakteeriyada abuurta ESBL.

(2)

2 (2) 2014-05-09

ESBL, patientinformation 2014-05-09 – översättning till somaliska

● Adigu waxaad u noolaan kartaa si caadi ah oo ula kulmi kartaa dadka kale. Adigu waxa kale oo aad samayn kartaa galmada sida caadiga ah u samaysid.

● Haddii aad leedahay nabar, tuumbada kaadida ama tuumbada xiriirisa caloosha iyo mindhicirka (stomi) aad ayay muhiim u tahay in la dhaqo gacmaha ka dib

baddelka/saarida balastarka. Adigu waa inaad rushaashada ku qubeysato inti aad ku dabaalan lahayd sixniga qubeyska/barkad.

● Haddii aad leedahay shuban ama soo dareerid saxaro xitaa waa inaad rushaashad ku qubeysatid inti aad ku ku dabaalan lahayd sixniga qubeyska/barkad.

● Haddii aad u baahantahay in lagugu daweeyo antibayootika, aad ayay muhiim u tahay inaad hesho nooca antibayootikada saxda ah iyo in la qaado beerida baakteeriyada.

Iyadoo ay dantaada tahay waxaanu kaa codsanaynaa inaad sidaas darteed u sheegtid dhakhtarkaaga/dhakhtarkaaga ilkaha wixi ku saabsan inaad tahay

side/infekshankaagi hore.

● Haddii lagu dhigo isbitaal, lagu qali doono ama aad joogi doonto hoy gaar ah waxaa fiican inaad u sheegto dhakhtarka in aad soo lahayd baakteeriyada abuurta ESBL.

Dhinaca daryeelka bukaanka iyo hoyga gaarka ah aad ayay muhiim u tahay nadaafad fiican iyo nidaamyada nadiifinta si baakteeriyadu aanay ugu faafin dadka kale.

Referanslar

Benzer Belgeler

Sida hadba ku xusan Xeerka Raashinka waxaa ku xilsaaran inaad shirkadda aad u shaqayso wargeliso cudurka lagugu daartay, haddii aad ka shaqayso goob raashinka aanan baakada ku jirin

Sidaas awgeed, waa in an ku dhaqaaqna sida loo heli lahaa qofka cudurka keenay iyo haddii ay jiraan dad kale oo cudurka ku dhacay.. Sidaas awgeed, waxaa baaritaan iyo raajo

Jeermiska caloosha ”Salmonella” wuxuu badi ahaan keena shuban, laakinse kooxaha astamaha waxay noqon karaan kuwa kala duwan, sida kuwa an dhibaato lahayn, qandho kulul leh

Haddii la tixraaco talooyinka nadaafad-shaqsiyeedka ee fudud – tusaale kuwa ku xusan warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ”Hygienråd vid

Haddaad qabto ama lagugu tuhunsan yahay cudurka kalaamiidiyada, waxaa khasab kugu ah inaad raacdo talada dhakhtarkaaga..  Waa inaad timaaddo booqashooyinka uu dhakhtarku mar

En caso de que una bacteria productora de ESBL cause una enfermedad, comúnmente es tratada como infección urinaria, pero también puede ser otro tipo de infección.. La diferencia es

Om ESBL-bildande bakterier orsakar sjukdom är det oftast en vanlig urinvägsinfektion men det kan också vara andra typer av infektioner?. Skillnaden är att vid en infektion

* Haddii qofku ku jiro xilliga oo cudurka faafiyo, loo ma oggola in uu ka shaqeeyo goob raashiin lagu diyaariyo, xanaanada carruurta iyo goobta lagu xannaaneyo dadka difaaca