• Sonuç bulunamadı

Cudurka cagaarshow nooca C, warbixinta bukaanka 2004-07-01

N/A
N/A
Protected

Academic year: 2021

Share "Cudurka cagaarshow nooca C, warbixinta bukaanka 2004-07-01"

Copied!
2
0
0

Yükleniyor.... (view fulltext now)

Tam metin

(1)

Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-08-3

Patientinformation och förhållningsregler Hepatit C, översättning till somaliska

Cudurka cagaarshow nooca C, warbixinta bukaanka 2004-07-01

Warbixinta bukaanka iyo asluubta hab-dhaqanka. Warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo.

Qofka la qabadsiiyo cagaarshow nooca C, waxaa sura gal noqon-karto inuusan cudurka dareemin, inkastoo uu haddana sido fiiruska cudurkeenaha. Waxaa suuragal in in bukaanku cudurku lagu daartay dhowr sano ka hor. Bukaanada badidooda wuxuu u keena fasaska beerka ku daca oo daaha.

Fasaska Cagaarshoowga C haddii u bukaanku ku raago, wuxuu dhawaaca beerka, wuxuuna abuura cudur beerka ku dhaca, sida “cirrhosis of the liver”. Sidaas awgeed, ayee muhim u tahay xiriirka joogtada ee takhtarka sidii cudurka loo kormeero, warbixinna loo siiyo.

Awood dawo wey jirtaa. Waxaa kaloo jiro noocyo kala duwan ee cagaarshow nooca C, kuwaaso daweeyntooda adag tahay. Haddii bukaanka laga daaweeyo cudurka, waxaa kolkaas ciribtirmaayo halista faafinta cudurkeenaha. Laakinse lagama ballangaadi karo in mar labaad uu cagaarshow nooca C usan ku dhici doonin.

Dhiiga ku wasakhaysan cudurkeenaha ayaa cudurka gudbiya. Gudbinta infeekshanka waxay suurtagal noqon kartaa, haddii la adeegsado irbadaha laysku duro oo waskhda ah, markii dhiig wasakhaysan uu gaaro nabar haragga ku yaala ama xub-axaleedka – laakinse taasi sidaasi u ma badna. Gudbinta infeekshanka ee dhiigga iyo waxyaalaha dhiigga laga sameeyay waxay ka dhaceen dalka Iswiidan horranta 1991. Laakinse, tan iyo waagas waa laga baara dhiigyada cudurkeenaha cagarshoow nooca C. Sidaas awgeed, halista noocaas ahi waxaa la oran karaa waa la ciribtiray.

Halista markii la galmoonaayo ee cudurkeenaha laysu qaadsiin jiray aad bey hoos ugu dhacday.

Laakinse halista waxay sare u kici kartaa haddii bukahu uu isla xilligas qabo cudur ka mid ah cudurrada lays qaadsiiyo kolkii la galmoonaayo. Sidaas awgeed, waxaa muhim in had iyo jeer aad ku isticmaasho galka guska markii aad galmo kumeelgaar ah yeelaneeyso.

Hooyada oo cudurkeenaha dhallankeeda u gudbiso markii ay ummulayso way dhacdaa, laakinse sidaas u ma badna (waa qiyaastii 5%).

Naseexo nadaafadeed

o Waa in hab taxadarsan faashada loo saara nabarrada – xitaa kuwa yaryar. Haddii qof u ku

caawinaayo, waa in qofkaasi u gashada galka gacmaha la gashato. Hab wanaagsan oo taxadarsan u baakadeey waxyaalaha wasakhda ahi ee dhiiga leh intii aadan qashinka ku tuurin. Dhiigga gaara, tusaale sida dhulka waa in lagu tirtiraa daawada klorin/virkon ama daawo lamid ah.

Asluubta hab-dhaqanka

o Waa inaad timaada markii baaritaan iyo shaybarro awgood lagugu yeero, kuwaaso takhtarka ku wargeliyay in ay muhi yihiin.

o Markii aad booqaneeyso rugta dareyeelka caafimaadka ama rugta daryeelka caafimaadka ilkaha waa inaad wargelisaa in dhiigaaga u infeekshan lee yahay.

o Haddii dhiigaaga u gaaro indhaha, sanka, afka ama haragga qof, waa inaad biyo ku tirtirta kadib markii haragga dhiigga gaaray biyo lagu tirtiray waa in la mariyaa daawada ”klorhexidinsprit”.

1 (2)

(2)

Sveriges Smittskyddsläkarförening 2004-07-01 med anpassning för Norrbottens län 2006-08-3

Qofka dhiigaaga gaaray waa inaad wargelisa halista jirto iyo in dhiigaaga u lee yahay cagaarshow nooca C. Waa inad kula talisa in daahid la’aan u la xiriiro rugta daryeelka infeekshanada ”Infektionsmottagning” sida halista loo qiimeeyo, loona siiyo daawada ka hortaga.

o Marna ha ku isticmaalin, yaana lagu isticmaalin qalabka musqusha adiga ku gaarka ah, sida kuwa garka laysaga xiiro ama lagu cadayeesto.

o Haddii aad maandooriye isku durto waa inaad haysataa irbado adiga ku gaar ah, dad kalena waa in ay marna ku isticmaalin. Koobka maandooriyeehe ee wadajirka loogu isticmaalo ha ku isticmaalin. Qalabyada la isku irbadeeyo ee adiga ku gaar ah, waa inaad meel ku keydisaa sidii halista dadka kale looga badbaadiyo.

o Lagu ma oggola masawirada jirka am dhego duleesasho. Sidaaso kale laguma oggola in jirkaaga hawl laga qabto waa haddii mindiyo iwm la adeegsanaayo, halista dhiigbaxana ay jirto, iyadoo sidaasi tahay haddii aad go’aansato inaad falalkas ku dhaqaaqdo waaa inaad qofka hawlaha ku qaban doono wargelisa inaad qabto cagaarshow nooca C.

o Laguma oggola inad bixiso dhiigaaga, shahwadaada, ugxantaada, xubnaha jirkaaga ama nudahaaga.

Cudurka lagu qaadsiiyay waa cudur dadweynaha halis u ah, sida hadba ku xusan Xeerka Iska Badbaadinta Cudurrada Laysku Faafiyo. Sidaas awgeed waxaa waajib kugu ah inaad tixgeliso asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay. Taaso takhtarku dib ugu fiirsan karo haddii aad ka codsato. Sidaas awgeed, waa inaad tixgelisaa asluubta hab-dhaqanka takhtarkaaga kula taliyay.

Smittskydd, Norrbottens läns landsting Sunderby sjukhus

971 80 Luleå

www.nll.se/smittskydd

2 (2)

Referanslar

Benzer Belgeler

ile sanıkların Ergenekon örgüt üyesi olmadıklarının sabit olduğundan bahisle beraat kararı verildiği, dosya kapsamındaki sanıklar hakkında soruşturma

Jeermiska caloosha ”Salmonella” wuxuu badi ahaan keena shuban, laakinse kooxaha astamaha waxay noqon karaan kuwa kala duwan, sida kuwa an dhibaato lahayn, qandho kulul leh

Haddii la tixraaco talooyinka nadaafad-shaqsiyeedka ee fudud – tusaale kuwa ku xusan warqadda warbixinta ee takhtarka badbaadinta cudurrada lays qaadsiyo ”Hygienråd vid

Haddaad qabto ama lagugu tuhunsan yahay cudurka kalaamiidiyada, waxaa khasab kugu ah inaad raacdo talada dhakhtarkaaga..  Waa inaad timaaddo booqashooyinka uu dhakhtarku mar

* Haddii qofku ku jiro xilliga oo cudurka faafiyo, loo ma oggola in uu ka shaqeeyo goob raashiin lagu diyaariyo, xanaanada carruurta iyo goobta lagu xannaaneyo dadka difaaca

Sida uu qabyo xeerka ilaalinta cudurrada lays qaadsiiyo waa in qofka qaba cudur lays qaadsiiyo uu sameeyo waxa laga rabo si uu dadka kale uga ilaaliyo cudurka lays qaadsiiyo

Rabadhka ka hortaga uureysiga ee dhinaca wasmada afka, siilka ama futada Rabadhka ka hortaga uureysiga waa difaac wanaagsan oo ka hortaga cagaarshow nooca B iyo xanuunada kale ee

Haddii xirfad ahaan aad shaqo ku leedahay raashinka waxa sida ku xusan sharciga raashinka waajib kugu ah inaad si dhakhso ah u wargeliso shaqo-bixiyahaaga haddii uu ku saameeyay